
Waxa uu heshiid wada shaqayn rasmi ah oo dhanka Technoogy-yadda casriga ah ku saabsan dhexmaraya maamulka college ka Zoom International College-Burao iyo Masuuliyiinta Dawladda oose ee Degmada Burco.
Qodobka 1: Ujeeddada Heshiiska
Heshiiskani waxa uu salka ku hayaa xoojinta wadashaqeynta u dhexeysa Zoom International College – Burao iyo Dawladda Hoose ee Degmada Burco. Ujeeddada heshiisku waa in la kobciyo xirfadaha shaqaalaha Dawladda Hoose ee Burco, gaar ahaan dhanka isticmaalka iyo ku shaqaynta kumbuyuutarka (Computer-ka), iyada oo loo marayo tababarro tayo leh oo uu bixin doono Zoom International College – Burao.

Qodobka 2: Mas’uuliyadda Zoom International College – Burao
- In ay bixiso tababarro la xiriira adeegsiga kumbuyuutarka iyo farsamooyinka casriga ah ee la xiriira shaqada Dawladda Hoose.
- In tababarradu noqdaan kuwo la jaanqaadaya baahiyaha shaqaalaha Dawladda Hoose.
- In ay soo diyaariso manhaj habaysan oo si gaar ah loogu talagalay shaqaalaha ka faa’iidaysan doona tababarka.
- In ay bixiso qalab iyo agab tababar oo lagama maarmaan u ah barashada xirfadaha kumbuyuutarka.
Qodobka 3: Mas’uuliyadda Dawladda Hoose ee Degmada Burco
- In ay soo xusho shaqaalaha ka faa’iidaysanaya tababarada iyadoo tixgelinaysa baahiyaha dhabta ah ee hay’adda.
- In ay fududeyso qorsheynta iyo hirgelinta tababarada si loo xaqiijiyo waxtarkooda.
- In ay la shaqeyso Zoom International College – Burao si loo helo jawi ku habboon barashada iyo horumarinta xirfadaha.

Qodobka 4: Muddada Heshiiska
Heshiiskani waxa uu dhaqan galayaa laga bilaabo taariikhda la saxiixay wuxuuna sii jiri doonaa muddo [X] bilood/sano, iyadoo labada dhinac ay dib u eegi doonaan heshiiska haddii loo baahdo wax-ka-beddel ama kordhin.